Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Minnesota oo ka shirtay hanjabaaddii Al-Shabaab

Bulshada Somaliyeed ee deggan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay cajaladdii muuqaalka ahayd ee uu soo saaray ururka Alshabab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa cajaladdaasi ku sheegtay in ay weerarayaan xarumaha laga dukaamayso ee ku yaala waddamada reer galbeedka, gaar ahaanna rugta laga dukaamaysto ee ku taala gobolka Minnesota ee Mall of America.

Madaxda Soomaalida gobolkaasi ku nool ayaa shirar ka yeeshay ay kaga wadahadalayaan arintaasi.

Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen ayaa waraystay Cabdirisaaq Biixi oo u ololeeyay arrimaha waxbadashada dadka Soomaalida iyo Cabdirahman Mukhraar oo ah agaasimaha xiriirka bulshada iyo ururka dhalinyarada Somaaliyeed ee Minnesota.

Cabdirisaaq ayaana ku hormaray oo uu waydiiyay bal dhibaatada ay bulshada Soomaliyeed ee gobolkaasi ku noolu keentay cajalada ay soo saartay Al-shabaab.