Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Iiraan oo Shiicada Yaman siisay gargaar

Diyaarad ay leedahay Iiraan ayaa ka degtay magaalada Sanca ee dalka Yaman, waxayna diyaaradaasi siday shaqaale caafimaad oo Iiraan u dhashay iyo daawooyiin.

Magaalada Sanca ayaa hadda waxaa gacanta ku haya Xuutiyiinta Shiicada ah oo meesha ka saaray dowladdii halkaasi caasimadda u ahayd oo u guurtay magaalada Cadan.

Dhanka kale, wafdi Iiraan ah ayaa gaaray magaalada Tehran ee xarunta dalka Iiraan si ay dowladda ugala hadlaan taageero.

Iiraan waxaa horey loogaga shakisanaa inay taageerayaan Shiicada Yaman, balse arrintan ayaa la tilmaamay inay walaac ku tahay dalalka Khaliijka ee Sacuudiga uu ugu horeeyo.

Dr Maxamed Maxamud Raage oo ka faalooda arrimaha caalamul Islaami ayaa Fardowsa Maxamed Cilmi uga warramay waxa laga dheehan karo gargaarka iyo taageerada Iiraan ay siineyso Xuutiyiinta Shiicada ah ee Yaman.