Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Darawallo ka cabanaya ciidanka dowladda

Darawallada mootooyinka saddexda lugoodlaha ee loo yaqaan Bajaaj ama Dhugdhugleey oo ka mid ah gaadiidka uu dadweynuhu isticmaalo ayaa waxa ay dibadbax cabsho ah ku dhigeen fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Darwallada ayaa waxa ay sheegeen inay dhibaato ka heysato askarta dowladda sida booliska, militeriga, nabad sugidda oo qayb walba ay qabsanayaan canshuurna ay weydiinayaan iyaga oo bixiyay canshuurtii ku waajibtay oo ah hal doolar maalin kasta.