Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muran ka taagan heshiis Sweden la gashay Sacuudiga

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Samir Ducaale waa weriye ka tirsan yahay idaacadda Sweden

Xisbiyada siyaasadda ee dowladda wadaagga ah ee dalka Sweden ayaa ku kala qaybsan heshiis dhinaca hubka oo ay horey ula gashay Sweden dowladda Sacuudi Carabiya.

Waxay isku khilaafsan yihiin in heshiiska la cusbooneeysiiyo iyo in kale.

Heshiiska oo la kala saxiixday sanadkii 2005 ayaa mar walba dib loo cusbooneysiiyaa, waxaana uu dhammaanayaa toddobaadkan, taasi oo kala qaybisay dowladda in la cusbooneysiiyo iyo in kale.

Waxa muranku saka ku hayo waxaa sharraxaya Samir Ducaale oo ah weriye ka tirsan idaacadda Radio Sweden, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa wareystay.