Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

22 Jaamacadood oo Hargaysa ku shiray

Waxaa magaalada Hargeysa lagu soo geba gabeeyay kulan aqooneed dhowr maalmood socday, kaasoo ay isugu yimaadeen 22 jaamacadood oo ku kala yaalla dalalka Bariga Afrika.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo aqoon isdhaafsiga jaamacaddaha Bariga Afrika, si sare loogu qaado tayadda tacliinta sare. Kulanka kaddib ayaa weriyaha BBC Axmed Saciid Cige waxa uu dood gaaban u qabtay afar mas'uul jaamacadeed oo kulankaasi ka qeyb galay.

Waxa ay kala yihiin: Prof Salebaan Axmed Guuleed, guddoomiyaha jaamacadda Camuud, Maxamuud Sheekh Xaamud, guddoomiyaha jaamacadda Puntland State University, Dr Cabdullahi Ismaaciil Cumar oo bare ka ah jaamacadda Jibuuti iyo Dr Shariif Cisman Xasan oo ka tirsan jaamacadda Muqdisho.

Axmed Saciid Cige ayaa marka hore weydiiyay waxa ay ka faa'iideen kulanka. Waxaa ku hormaraya Dr Sharif oo ka tirsan jaamacadda Muqdisho.