Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiir Sahra oo arrimaha haweenka nooga warantay

Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka, waxaa lagu soo gebagabeeyay shirkii 59 ee haweenka iyo xuquuqul insaanka caalamka.

Shirkan oo looga hadlay arrimha haweeka iyo halka xaaladoodu marayso, ayaa waxaa ka qayb galay wafdi Soomaaliya ka socoda oo ay hogaaminayso wasiirka haweeka iyo xuquuqul insaanka dowladda Federaalka Sahra Maxamed Cali Samatar.

Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen ayaa la kulmay oo waraystay wasiirka, waxa uuna waydiiyay marka hore wixii shirkaasi looga hadlay ee la isla soo qaaday.