Islii
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sanad kaddib howlgalkii Islii iyo xaaladda xaafadda

Haatanna Kenya, waxaa hal sano laga joogaa markii xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi ay ciidammada ammaanka ee Kenya ku qaadeen howlgalkii la magac baxay Ilaalinta Amniga.

Xilligaasi xaafadda Islii waxaa laga qabqabtay kumanaan qof oo u badan Soomaalida qaxootiga ku ah magaalada Nairobi, dadkaasi intooda badan waxaa la isugu geeyay garoonka ciyaaraha ee Kasarani, halkaasi oo markii dambe qaarna loo dhoofiyay Soomaaliya, halka kuwii kalana loo kala qaaday xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma.

Haddaba sanad kaddib maxaa iska badalay xaaladda xaafadda Islii, Axmed Xaaji Xasan ayaa warbixintan inooga diyaariyay: