Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Caafimaadka Soomaalida dalalka galbeedka

Soomaalida ku nool wadammada reer Galbeedka, waxaa la sheegay inay u nuglaan karaan in ay ku dhacaan xanuunada dhiig-karka, kaadi-macaanka ama wadna xanuuka.

Dadkaasi ayaa waxay la kulmaan hab nololeedkoodii oo is badala iyo xanuunada oo aanay si joogta ah isaga baadhin iyaga oo jooga wadamo qalab casri ahi uu yaalo, inta badan ma helaan nolashii ay yaqaaneen ee lahayd soc socodka badan.

Hay'adda la yiraahdo Brian Coyle Centar ee ku taalla gobolka Minnesota, ayaa dhawaan bilawday in ay dadka ka wacyi galiso siyaabaha ay xanuunadaasi uga hortagi karaan ama hadii ay qabaan isaga daawayn karaan.

Cabdulaahi Irshaad Sheekh, waxa uu u qaabilsan yahay hay'adaasi arrimaha caafimaadka bulshada, waxaana waraystay weriyha BBC-da Mohamed Xaaji Hussien.