Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu yahay qofka loo haysto weerarkii Garissa?

Iyadoo laba todobaad laga joogo weerarkii Garissa, ayaa weli waxaa jira su'aalo la iska weydiinayo mid ka mid ah dadka looga shakisan yahay in weerarkaasi ay ku lug lahaayeen.

Rashid Mberesero, waa 21 jir, u dhashay waddanka Tanzania, waxaa laga helay gudaha jaamacadda, balse meeshaas waxna kama uusan baraneynin kamana shaqeyneynin.

Hadaba muxuu ahaa, muxuusa ka doonay meel gurigiisa sidaa uga fog?

Weriyaha BBC-da Tulanana Bohela ayaa tagtay magaalada uu ku dhashay ee Gonja ee waqooyiga dalka Tanzania iyo magaalada Dodoma oo ah meesha uu iskuulka ka dhiganayay, warbixintan ayeyna inooga diyaarisay, waakan Axmed Xaaji Xasan oo soo jeediya.