Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdiwali Sheekh oo la kulmay Soomalida US

Waxaa maalmihii u danbeeyay socdaal ku marayay magaalooyin ka mid ah wadanka Maraykanka, Raiisulwasaariihii hore ee Soomaaliya Abdiwali Sheekh Axmed oo gudoomiye ka ah Madasha Midnimada iyo Dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Habeenkii xalay ahaa, ayuu kullan ballaaran ku la yeeshay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolaka Minnesota.

Wariyaha BBC-da Maxammed Xaaji Xuseen ayuu u waramay. Waxa uu uga horrayn weeydiiyay ujeedada socdaalkiisa.