Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarunta qaxootiga Yemen ee Berbera

Magaalada Berbera, xarunta lagu soo dejiyo dadka ka soo qaxaya dagaalka dalka Yemen waxaa maamulkeeda haya hay'ado isugu jira kuwa Qaramada Midoobay iyo ururada samafalka caalamiga ah.

Dadka qaxootiga ah ila saddex cisho ayay ku nastaan kaddibna qof waliba wuxuu tegaa deegaankiisii, qaxootiga Yemeniyiinta ahna Hargeysa ayaa loo gudbiyaa.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige, ayaa booqday xaruntaasi oo aanay markaasi ku jirin wax dad ah balse la filayo in dooni sida qaxooti Soomaali iyo dad kale oo Yemen ka timid ku soo xidhato dekedda berbera 24 saacadood ee soo socda oo la soo dejiyo xarunta nasiinada qaxootiga ee Berbera.

Mukhtaar Cabdi Jaamac waa sarkaal ka tirsan hay'adda Denish Refugee Council oo iyagu madax u ah hay'adaha maamula xarumtaasi, waxa uu u warramay Axmed Saciid Cige