Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdikariim Guuleed oo dhaliilay heshiiskii Garowe

Iyadoo dhawaan ay magaalada Garowe heshiis ku gaareen madaxda Soomaalida ayaa waxaa soo baxaya diidmo ku aaddan qaar ka mid ah qodobbadii heshiiskaasi ka soo baxay.

Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, haddana ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada maamulka la doonayo in loo sameeyo gobollada dhexe ayaa ka hor yimid qodobbada heshiiskaas qaar ka mid ah.

Cabdikariim Xuseen Guuleed waxaa loo tiriyaa inuu ka mid yahay dadka siyaasad ahaan aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxdii Garowe ku gaaray heshiiska.

Cabdikariim wuxuu marka hore iiga warramay halka uu hadda marayo shirka ka socda magaalada Cadaado.