Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jahwareer ka taagan magaalada Bujumbura

Rasaas ayaa laga maqlayaa bartamaha caasimadda Burundi halkaas oo uu ka dhacay iskuday inqilaab ka dhan ah madaxwayne Pierre Nkurunziza.

Sarkaal ka tirsan dawladda Tanzania ayaa BBC-da u sheegay in madaxweyne Nkurunziza, aysan u suurta galin in uu dib ugu laabto dalkiisa halkaas oo milaterigu uu u muuqdo in uu awoodda dalka la wareegay.

Waxaa la soo sheegayaa in haatan ciidammada dalka Burundi ay u kala jabeen laba dhinac; koox taageersan inqilaabka iyo kuwa ka soo horjeeda.

Haddaba sida ay tahay xaaladda magaalada Bujumbura ayaa waxaan ka waraysanay Cabdiraxmaan Cumar Salaad oo ah ganacsade Soomaali ah. Waxa uu u waramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Cagayare