Muuqaalada taxanaha Maandooriye

Markii baakadaha budada cad ah ay xeebto ku soo rogmadeen kadib markab burburay, ayaa nolosha Buba sidii ay ahayd iska badashay. Wixii u muuqday nasiib wanaagsan ayaa isu rogay dhinaca kale oo noqday mid masiibo u ah.

Halkan kaa soco Qaybta 5-aad.

Qaadashada daroogada ee Buba waa sii xumaanayaa. Wuxuu iska iibiyay gaarigiisii taxi ee halaabay, aabihii ayaa guriga ka saaray - balse wali waa in uu helaa lacag uu ku maalgaliyo daroogo qaadashadiisa.

Halkan kala soco Qaybta 4-aad ee farshaxanka 'Hooked' ama daroogo dilootay, oo eegaya adeegsiga daroogada.

Halkan kala soco Qaybta Sadexaad

Nolosha Buba ayaa isbadalaysa, iyadoo uu lacagtiisa ku luminayo maandooriyaha, uuna iska iloobay ganacsigiisa. Bal eeg qaybta sadexaad ee taxanaha "Hooked", oo macnuhu yahay daroogo-dilootay. Waxaa qaybtan lagu eegayaa xaaladaha adag ee qofka daroogada adeegsadaa uu galo. Halkan kala soco Qaybta Labaad

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Guinea-Bissau oo loo yaqaan gobolkii ugu horeeyay ee Africa ee maandooriyaha, ayaa dalkan wuxuu ahaa mid soo jiita ka ganacsiga daroogada muddo ku dhow toban sano.

Iyadoo uu military-gu afgambi ku qabsaday iyo saboolnimo, ayaa loo adeegsadaa in kooxaha maandooriyaha qarsoodiga ku galiyaa koonfurta Ameerika si loogu sii gudbiyo Yurub.

Farshahankan loo bixiyay "Hooked" waa taxane shan qaybood ah oo ka sheekaynayaa saamaynta dhinaca bini'aadaminimo ee dadka uu ku yeeshay ganacsigan maandooriyaha. Waxay sheekadu eegaysaa marxalada ay adeegsiga daroogadu dhaxalsiiso dadka qaata.

Halkan Dhag sii Qaybta Koowaad