Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dabaaldegga 18ka May iyo xiisadda siyaasadeed ee Somaliland

Maanta oo ah 18-ka bisha May waxaa guud ahaan Somaliland laga xusayaa sanadguurada 24-aad ee ka soo wareegatay maalintii lagu dhawaaqay gooni isutaageeda.

Haddaba tan iyo xilligaasi inkastoo aanay Somaliland helin aqoonsi haddana waxaa lagu amaanaa in ay horumar ka sameysay dhinacyada ammaanka iyo dimuqraadiyadda.

Hasayeeshee dabaaldega sanadkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto dood siyaasadeed oo ka dhalatay muddo kordhinta guurtida ee xukuumadda, oo siyaabo kala duwan looga hadlay.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed saciid Cige ayaa dooddan u qeybiyay gudoomiye xigeenka xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo gudoomiye xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed oo hadalka ku hormaraya.