Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo joojisay qaxootigii Soomaalida ee ka soo cararayay Yaman

Somaliland ayaa shaacisay in laga billaabo maanta oo axad ah ay joojinayaan in qaxootiga Soomaalida ee ka soo cararaya colaadda dalka Yemen oo ay ku noolaayeen ee soo gaarayay dekedda Berbera.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo go’aankaasi kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in tallaabadaasi ay qaadayaan maadaama Qaramada Midoobay iyo caalamkuba ay ka waayeen wax taakulo ah oo qaxootigaasi loo fidiyo, culays dhaqaale iyo mid nabadgelyaba ay qaxootogaasi ku keeneen Somaliland.

Halkan ka dhagayso wareysi uu weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed saciid Cige uu la yeeshay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.