Nigeria shidaal
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa sabab u ah shidaal yarida Nigeria?

Dalka Nigeria ayaa waxaa maalmahanba ka taaganeyd shidaal yari baahsan, taasi oo sababtay in ay hoos u dhacaan howlihii ganacsi ee dalkaasi. Waxaa la hakiyay qaar ka mid ah duulimaadyadii dalkaasi tegi lahaa ama ka bixi lahaa, sidoo kale mid ka mid ah bangiyada ugu waa weyn dalkaasi Nigeria ayaa waxa uu yareeyay saacadaha uu shaqeeyo, halka shirkadda taleefanada ee MTN ay ka digtay in ay damin doonto qalabkeada shidaal la'aan awadeed.

Haddaba maxaa ka dhalan kara arrintan? Su'aashaas iyo kuwa kalaba ayaa waxaan waydiinay Prof Cabdi Daahir, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare