Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nuruddin Farah oo ka hadlaya buuggiisa cusub

Waxaa jaamicadda SOAS ee ku taal magaaladatan London lagu soo bandhigayaa buug cusub oo ku saabsan qiso Soomaaliyeed, kaasi oo ku qoran Af Ingiriisi.

Buuggan oo magaciisu yahay (Hiding in the Plain Sight) oo micnaheedu yahay 'Ruux qarsoon noloshiisii oo qarsoon' ayaa waxaa qoray qoraaga Soomaaliyeed Nuruddin Faarax oo muddo dheer buugaag badan ku qoray luqadda Ingiriiska.

Haddaba Nuruddin oo nagu soo booqday Istuudiyaha BBC ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale oo wareystay waxa uu weydiiyay bal inuu noo sharaxo qisadda buugiisa cusub.

Waxaa kale oo uu Nuruddin ka hadlayaa dhibaatada ku dhacday qoraalka Af-Soomaaliga oo uu sheegay in uu sii baaba'ayo, loona baahan yahay in wax laga qabto.