Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Rakaab ku xayiran garoonka diyaaradaha ee Nairobi

Tiro rakaab Soomaali ah ayaa muddo dhowr maalmood ah waxay ku xayirnaayeen garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Rakaabka oo isugu jiray kuwo ka safrayey Kenya iyo kuwo garoonka sii marayey oo meelo kale ka yimid, ayaa waxay ku jahawareersanaayeen sababta ilaa hadda aysan u qaadin dayaaradaha ay tikidhadooda sitaan.

Rakaabka qaar ayaa saaka raacay mid ka mid ah dayaaradaha rakaabka oo aadday Muqdisho, laakin waxaa garoonka jooga tiro kale oo rakaab ah oo aysan u suurtogalin inay safaraan.

Mas'uul ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo arrintaas, ayadoo shirkadaha dayaaradaha qaarkood oo aan isku daynay in aan la xiriirnana aysan noo suurtogalin in aan helno.

Mid ka mid ah rakaabkaas xayiran ayaa nooga warramay xaaladda ku dhex haysata garoonka.