Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Dr Caasho Kablow oo daryeesha haweenka uurka leh

Waxaa shalay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ka furmay shir madaxeedka Midowga Afrika, oo halkudhigiisa sanadkan uu yahay "xoojinta dowrka dumarka iyo hormarka ku aaddan hiigsiga qaaradda ee sanadka 2063-da."

Haddaba todobaadkan waxaan idiin soo gudbin doonnaa wareysiyo iyo warbixino ku saabsan haweenka Soomaaliyeed ee kaalinta mugga leh ka qaata arrimaha bulshada.

Waxaan saaka ku bilaabeynaa wareysi aan la yeelannay Dr Caasho Cumar Axmed (Caasha Kablow), oo ku takhasustay cudurada haweenka iyo dhalmada, isla markaana sameysay barnaamij loogu magacdaray badbaadi hooyooyinkeenna, kaasoo ay ku tababartay qaar kamid ah umuliso dhaqameedka ka shaqeeya miyiga iyo tuulooyinka fog fog ee Soomaaliya.

Dr Caasha Kablow ayaa u warrantay weriyaha BBC ee Muqdisho Ibrahim Maxamed Adan.