Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho oo tartan fan iyo dhaqan ah lagu qabtay

Magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horreysay muddo ka badan labaatan sano lagu qabtay tartan dhanka fanka iyo dhaqanka ah.

Tartankaasi waxaa ka qayb qaadanayay afar kooxood oo isugu jiray wiilal iyo gabdho da'doodu tahay labaatameeyo.

Tartankani oo ujeedadiisu tahay u ololeynta nabadda ayaa kooxihii guulaystay waxaa la guddoonsiiyay agab dhanka dhaqanka iyo hiddaha ah iyo neef ari ah oo marka ay tuulooyinkooda ku laabtaan ay wada cunaan.

Munaasabadda tartankaasi waxaa joogay Ibraahim Maxamed Macalimuu, warbixintaan ayuuna halkaasi inooga soo diray.