Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dood: Siyaasadda iyo haweenka Somaliland

Iyadoo Midowga Afrika uu sanadkan diirada saarayo awoodsiinta dumarka qaaradda, ayaa todobaadkan waxaan idiin soo gudbineynaa wareysiyo iyo warbixino ku saabsan haweenka Soomaaliyeed ee kaalinta mugga leh ka qaata arrimaha bulshada.

Haweenka Somaliland ayaa olole xooggan ugu jira sidii ay kooto uga heli lahaayeen kuraasta baarlamaanka ee doorashada soo socota.

Hal xubin oo keliya ayaa haatan haweenka Somaliland ku matasha baarlamaanka oo ay tiradiisu tahay 82 xubnood.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa doodan dhex dhigay gabadha keliya ee ku jirta baarlamaanka Somaliland, Baar Saciid Faarax, Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha wakiilada iyo Cabdiraxman Qawdhan oo ka mid ah golaha guurtida. Waxaa dooda ku hormaya Cabdiraxman Qawdhan.