Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Caqabadaha in caruur wax lagu baro qurbaha

Soomaalida qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa dalalka Yurub, ayaa fursad u helay in ay caruurtooda waxbarasho helaan, iyada oo inta badan dalalkaasi ay qasab tahay waxbarida dhallaanka.

Dalka Sweden waxa uu ka mid yahay dalalka ay caruurta Soomaalida sida wanaagsan wax uga bartaan, walow la sheegayo in waalidka Soomaalida ah aysan badankood si wanaagsan ula soconin waxbarashada awlaadooda.

Arrintaasi ayaa loo aaneeyaa iyada oo waalidka aanay waxba badan ka aqoon dhaqanka iyo sharciga dalkaasi.

Ifraax Cali Kirix waxay xildhibaan mar ka ahayd magaalada Jönköping, ee Sweden, haddana waa macalimad wax ka dhigta Dugsiyada Hoose dhexe ee dalkaasi. Waxa ay ka warrameysaa caqabadaha caruurta iyo waalidka Soomaaliyeed ka haysata waxbarashada Sweden.

Cabrixamaan Bidhaan ayay u warrantay.