Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ergooyinka shirka maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ansixiyay dastuurka

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ergooyinka shirka maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud ay ansixiyeen dastuurka uu maamul goboleedkaas yeelanayo.

Dastuurka ayaa waxaa ku jira qodobbo in muddo ah uu muran ka taagnaa, oo qaarkood ka caraysiiyay maamulka Puntland.

Haddaba arrimahaas ayaan ka waraysannay Sheekh Cumar Cali Rooble, Afhayeenka Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna marka hore ka hadlayaa sida ay u dhacday meelmarinta dastuurka.