Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

IMF oo ka hadashay dhaqaalaha Soomaaliya

Hay'adda lacagaha adduunka ee IMF ayaa markii ugu horreysay muddo 25 sano ah shaacisay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobcay boqolkiiba 3.7 sanadkii la soo dhaafay ee 2014.

Arrintani ayaa muujinaysa sida ay soomaaliya uga soo kabanayso colaad socotay mudo 20 sano ka badan.

Hadaba kobacaasi dhaqaaluhu xaguu ka yimid sideese qiimayntaasi u dhacday, Dr Xuseen Axmad Warsame oo bare ka ah jaamacadda Calgary University ee dalka Canada ayaa arrimahaasi Farxaan Maxamad Jimcaale uga waramay.