Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa keenaya weerarada dadka badan ku dhimanayaan

Ciidamada amniga ee dalalka ay weerarada ka dheceen shalay ayaa waxa ay baarayaan sida ay kooxaha ka dambeeyay ay u geysteen weerarada.

Dalka Tunisiya, 39 qof ayaa lagu dilay meel xeeb ah oo ay ku sugnaayeen.

Qof isqarxiyay ayaa waxa uu galay masaajid dad shiica ah ay ku tukanayeen oo ku yaalla Kuwayt.

Ciidamada Amniga faransiiskana waxa ay xireen qof, kaas oo maamulihiisa madaxa looga gooyay warshad ku taalla meel u dhow Lyon.

Soomaaliyana, Alshabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen xero ay ciidamada midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Leego, halkaas oo la sheegayo inay ku dhinteen 30 qof.

Horraantii isbuucanna, Daacish ayaa dadka ayaga taageersan ugu baaqday inay qaadaan weeraro inta Ramadaanka lagu guda jiro.

Hadaba, arrintan waxay imaaneysaa iyadoo dowlado badan ay Nairobi uga qeybgalayaan shir looga hadlayo ladagaallanka Xagjirnimada.

Arrintaasi iyo arrimahan weerarada ayaa ka wareysanay, Prof. Cabdi Issmaciil Samatar. Oo ugu horeyn ka warramaya waxa keenayo in dilalka ay bataan?