Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gaarisa oo laga bilaabay indho fiiqid bilaash ah

Isbitaalka magaalada Gaarisa ayaa indhaha loogu fiiqayaa dad aad u badan oo meelo kala duwan ka kala yimid.

Adeegan Indha fiiqista ah ayaa si lacag la'aan ah loo fulinayaa.

Waxaa ka mid ah dadka indhaha loo fiiqayo kuwa indhaha ku beelay colaadaha Soomaaliya, oo qaar kood ay miinooyiin waxyeeleeyeen.

Laakiin dadka ugu badan waa dad waayeel, waxaana barnaamijkan gacan ka geysaneysa hay'ad Islaami ah oo ka diiwaan gashan dalka Australia.

Weriyaha BBC, Bashkas Jug Soo Dhacay ayaa warkan inooga diyaariyay.