Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dumarka ku xiran xabsiga dhexe oo wax la barayo

Markii ugu horeysay ayaa dumarka maxaabiista ah ee ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho loo billaabay barnaamij ay wax ku baranayaan, iyo madadaalo.

Qorshahan waa kii ugu horeeyay tan iyo markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya 1991dii.

Taliyayaasha xabsiga ayaa waxa ay sheegayaan in la hormariyo xirfadda dumarkaay qeyb ka qaadaneyso inay ehelladooda ay wax u qabtaan xabsiga kaddib.

Weriyaha BBCda ee Muqdisho, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa tagay xabsiga dhexe, warkan ayuuna ka soo diray.