Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xuska maalinta agoonta dunida Muslimka

Sanad kasta 15ka bisha barakaysan ee Ramadaan dunida Muslimka waxaa laga xusaa maalinta agoonta, iyadoo la soo bandhigo dhibaatooyinka haysta agoonta, sanadkanna mid ka mid ah xusaskaas ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xuskaas waxaa wadajir u soo qabanqaabiyey Ururka Iskaashiga Islaamka OIC iyo hay'adda samafalka ee Qadar Charity, waxaana joogay wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Weriyaha BBC, Maxamed Ibrahim Mucalimuu, ayaa ka qayb galay oo warbixintan inooga soo diray.