Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kumannaan qaxooti ah oo soo gaaray Boosaaso

Shalay galinkii dambe waxaa magaalada Boosaaso soo gaaray markab siday in ka badan 3,500 oo qof oo ah qaxooti ka soo cararay dagaallada ka soconaya Yemen.

Waa tiradii ugu badnayd ee ilaa hadda hal mar soo gaarta deegaannada Puntland.

C/laahi Xaashi Qoob-Deero, waa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Puntland, wuxuuna u xil saaran yahay arrimaha qaxootiga ka soo cararaya Yemen.

Goor sii horreysay ayuu khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC, Cabdifitaax Ibraahim Maxamed (Cagayare).