Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

55 sano kadib Soomaaliya xagey joogtaa?

Barnaamijka Waxay ila tahay ee toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay 55 guurada ka soo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolladii British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay ku midoobeen Jamhuuriyaddii Soomaaliya bishii July sanadkii 1960.

Doodda waxaa ka qaybgalaya, Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland, Shukri Xariir Ismaaciil, Caasha Axmed Cabdalla oo ah siyaasiyad xubin ka soo noqotay baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah khabiir saxaafadeed aadna ula socda taariikhda Soomaaliya iyo Cabdiwahaab Shiikh Cabdi Samad oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Waxaannu kaga doodi doonaa 55 sano kadib Soomaaliya xagey taagan tahay? Xagga siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, saameynteedii iyo doorkii ay ku lahayd gobolka, qaaradda Afrika iyo guud ahaan caalamka.