Militeriga Syria oo weeraray Zabadani

Lahaanshaha sawirka Reuters

Militeriga Syria ayaa weerar weyn ku qaaday magaalada muhiimka ah oo falaagadu haystaan, kuna dhaw xadka Lebanon.

Ciidmada dowladda ayaa dadaalkooda ay ku qabsanayaan magaalada Zabadani taageero ka helay xagjiriinta Lebanon ee Xisbullah.

Ururka Xisbullah ayaa baahiyay muuqaalo muujinaya qiiq daboolay meel madaafiic lagu garaacay iyo duqeyn cirka ah.

Zabadani waa magaalada ugu dambeysa ee ugu weyn oo ay hastaan falaagda, kuna dhinac taal buuraha xadka Lebanon.