Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn: Sanad guuradii koowaad ee duulaankii Gaza

Waxaa maanta sanad laga joogaa markii uu bilowday duulankii ay ciidammada Israa'iil ku qaadeen marinka Gaza.

Duulaankaasi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan laba kun oo Falastiiniyiin ah, iyo ku dhawaad 70 Israa'iiliyiin ah oo askar u badan, waxaana uu dagaalka joogsaday 26-kii August ee sanadkii la soo dhaafay.

Haddaba sanad kaddib maxaa iska bedelay xaaladda marinka Gaza? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu Cabdirisaaq Catoosh weydiiyay Axmed Maxamed Cabdullahi (Axmed Bukhaari) oo ka faallooda arrimaha Carabta.