Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo Kenya dacwaynaysa maanta

Somaliya ayaa maanta si rasmi ah dacwad uga gudbinaysa dalka Kenya oo ay ku eedeysay in ay si sharci darro ah ugu haysato baddeeda.

Xurgufta u dhaxaysa labada waddan ee deriska ah ayaa in muddo ah soo jiitamaysay, iyada oo aysan suurtogal noqonin in lagu xalliyo maxkamadda meel aan ahayn.

Sharciyaqaano iyo xubno matalaya dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa gaaray magaalada the Hague, kuwaas oo si rasmi ah u gudbin doona dacwadda.

Xeer ilaaliyaha ayaa arrintaasi uga warramay wariyaha BBC Maxamed Ibrahim Macallimuu.