Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Diyaargarawga Ciida Islii

Iyada oo ay bishii barakaysnayd ee Ramadaan gabogabo tahay, oo muslimiinta dhammaan caalamkuna ay usu diyaarinayaan dabaal dagaan Ciidul Fitriga ayaa qoysaska Soomaaliyeed waxa ay haatan ku howlan yihiin iibsashada dharka cusub ee ciida.

Suuqa weyn ee xaafada Islii ayaa waxaa uu la ciirciirayaa alaabaha cusub ee ganacsatadu keenayaan iyo macaamiisha usoo adeeg doonanaya.

Ciidan waxa ay ku soo adaysaa iyadoo ay jirto sicir barar ka dhashay qiimaha lacagta Kenya oo hoos u sii dhacyso marka loo eego dollarka.

Haddaba wariyaha BBC-da Fardowsa Maxamed Cilmi oo booqatay xaafada Islii ayaa inooga diyaarisay warbixintan.