Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

U diyaargarawga Obama ee tuulada Kogelo

Diyaargarow ballaran oo lagu soo dhawaynayo Madaxweyna Barack Obama ayaa ka socda dalka kenya.

Obama ayaa lagu wadaa in uu booqasho rasmi ah ku yimaado Kenya dabayaaqada isbuucan.

Meelaha diyaar garowga laga dareemayo waxaa ka mid ah tuulada Kogelo ee galbeedka Kenya, halkaas oo Obama aabihii uu ka soojeedo ayeeydii aabihii dhashayna ay ku nooshahay.

Weriyaha BBC-da Muliro Telewa ayaa tuuladasi booqday warbixintii uu inooga diyaariyayna waxaa inoo soo jeedinaya Ciise Xaaji Cabdulle.