Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

'Ciyaartoyda Afrika si sharci darro ah ayaa loo safriyaa'

BBC-da ayaa aragtay cadaymo muujinaya ciyaartooy laga tahriibiyay Afrika oo la geeyay Aasiya kuwaas oo qaarkood ay da'yar yihiin oo afar iyo toban sano jiraan, arrintaas oo si cad u muujinaysa in la jabiyay sharciyadii FIFA.

Hal hay'ad ayaa ku qiyaastay in galbeedka Afrika sanadkaste laga sii qaado shan iyo toban kun oo ciyaartoy da'yar ah, kuwaas oo intooda badan si sharci daro ah loo kaxeeyo.

Jabinta shuruucda soo gadashada ama saxiixashada ciyaartoyda caalamiga ah ee da'doodu ka hoosayso 18-ka waxay kooxda Barcelona ee horyaalka Yurub haysta u horseeday in laga mamnuuco afar iyo toban bilood in ay aysan waxba soo iibsanin, arrintaasi waxa ay ka dhacday koox ka mid ah kuwa adduunka ugu sareeya, laakiin kooxaha hoose taas way ka duwantahay, Wariyaha BBC-da Piers Edwards ayaa warbixintan ka soo diray Liberiya, Cabdirisaaq Xaaji Catoosh iyo Fardawsa Maxamad Cilmi ayaa soo jeedinaya