Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xariirka amniga Kenya iyo Maraykanka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa waxa uu ka qeybgali doonaa shir looga hadlayo ganacsiga oo ka dhacaya toddobaadkan Kenya.

Balse arrimaha ammaanka ayaa lagu wadaa in ay noqoto waxa ugu muhiimsan oo looga hadlayo shirka markii uu la kulmo madaxda dalalka bariga Afrika.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah uga faa'iida gargaarka millitari ee Mareykanka, sanadihii dhawaana waxa ay Kenya la daalaa dhaceysay weeraro uga imaanayay xarakada Al-shabaab.

Weriyaha BBC-da ee arrimaha ammaanka Afrika, Tomi Oladipo ayaa warbixintan ku eegaya sida booqashada Obama ay saameyn ugu yeelaneyso arrimaha ammaanka ee dalka Kenya. Waxaana soo jeedinayso Fardowsa Maxamad Cilmi.