Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamad xallisay muranka siyaasadda Somaliland

Maxkamad ayaa maanta go’aan ka gaartay cabasho ay dhowaantan u gubiyeen mucaaradka Somaliland.

Mucaaradka ayaa waxa ay ka cabanayeen in lagu xadgudbay xuquuqdooda aasaasiga ah iyo tan dastuuriga ah, kaddib markii loo diiday inay qabtaan shir ay doonayeen inay isugu yimaadaan.

Fadhiga maxkamada waxaa joogay hogaamiyaasha labada xisbi ee mucaaridka ee waddani iyo UCID iyo wasiirka iyo wasiir xigeenada Arimaha gudaha iyo taliyaha guud ee boliiska oo dhinac ahaa .

Wadooyinka waaweyn ee hargeysa ayaa ciidan badan oo boliis ahaa la soo dhigay iyo xarumaha xisbiyada iyo huteellada qaarkood.

Qaraarkan waxaa soo dhoweeyay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee wddani Cabdiraxmaan Cirro iyo murashaxa madaweynaha ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyadoo wasiirka arimaha gudaha somaliland cali warancade sheegay inay u hogaansamayaan fulinta qaraarka maxkamada distuuriga ah.

Mucaaridku waxay ku eedeeyeen boliiska inay ciidan badan dhigeen xarumaha xafiisyada mucaaridka oo dadna xidheen laakiin wasiirka gudaha wuxuu sheegay in ciidanka laga qaaday haada dad xidhanina aanay jirin .