Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cilmi baaris lagu ogaaday wax ay Soomaalidu ka midaysan yihiin

Aqoonyahano Soomaali ah ayaa waxa ay soo bandhigeen cilmi baaris ay ka sameeyeen Soomaaliya.

Cilmi baaristan oo socotay muddo bilooyin ah ayaa waxaa ay aqoonyahanadu ku ogaadeen waxa ay Soomaalidu kala socdaan habka federaalka iyo in ay ogolyihiin in la wadaago kheraadka dalka.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa ka mid ah aqoonyahanada cilmi baaristan sameeyay, waxa uu inagu soo booqday istuudiyahaga magaalada Nairobi mar uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wax uu u warramay weriyaha BBC Cadifitaax Ibraahim Maxamed (Cagayare) oo ugu horreyn waydiiyay waxa cilmi baarista ay sameeyeen ay ku salaysneyd?