Sawirro weerarkii Nagasaki

Sagaalkii August 1945, Maraykanka ayaa ku riday bambaanadii labaad ee nukliyeerka magaalada Nagasaki.

Lix maalmood kadib Japan ayaa is dhiibtay.

Ugu yaraan 74,000 oo qof ayaa ku dhimatay weerarka Nagasaki. 140,000 ayaa ku dhimatay saddex maalin ka hor weerarka magaalada Hiroshima, weerarkii ugu horeeyay ee nukliyeerka ee adduunka.

Bambaanada lagu qarxiyay Nagasaki sagaalkii August 1945, ayaa Maraykanka uu ugu magac daray ninkii buurnaa. Waxaa weerarka qaaday diyaarad laga soo duuliyay Jasiirada Mariana, oo uu duulinayay duuliyaha Gen Charles Sweeney.

Lahaanshaha sawirka
Image caption Diyaarada riday Bomka waxay ahayd nooca Bockscar.

Weerarka Horishima kadib madaxweynaha Maraykanka Harry S Truman, ayaa sheegay hadii Japan ay aqbali waydo inay isdhiibto, "waa inay filataa roob bur bur inuu cirka uga imanayo".

Maalinta weerarka, Maraykanaka ayaa doonayay inuu weeraro magaalada Kokura, laakiin cimilada oo xun awgeed wax ayaa la arki waayay, diyaarada ayaa markii danbe u leexatay Nagasaki.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Bambaanada ayaa lagu qarxiyay Nagasaki waqtiga 11.02 AM ee subaxnimo.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Maraykanka ayaa sabab uga dhigay inuu bambaanada isticmaalay, si uu u joojiyo dagaalkii labaad ee adduunka kana badbaadiyo kumanaan qof oo rayad iyo milatari adduunka dagaalka sii socda.

Laakiin dadka dhaleeceeya ayaa sheegay in Japan ay diyaar u ahayd inay is dhiibto, oo Maraykanka u isticmaalay bomka inuu muujiyo awoodiisa.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Maalmo kadib weerarka, dadka badbaaday ayaa ku noolaa guryaha burburay.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Weerarka Nagasaki ayaa baabi'yay 30% magaalada, isagoo burburiyay xaafada warshadaha. Dadka badbaaday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus iyo cudur ka dhashay nukliyeerka.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Toban sano kadib, magaalada ayaa si dhaqso ah loo dhisay, iyadoo beerta nabada laga dhisay magaalada dhexdeeda.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service