Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wiilal dabaal ku galay Canada

Labo nin oo Soomaali ah ayaa todobaadkii la soo dhaafay, waxa ay dalka Canada ku galeen dabaal ay uga gudbeen webi ku yaala xadka uu Mareykanku la leeyahay dalka Canada.

Mid ka mid ah labada nin oo lagu magacaabo, Yaxye Jaamac Samatar ayaa BBC-da u sheegay in safarkaasi halista ah uu u go'aansaday kaddib markii sharci looga diiday dalka Mareykanka oo uu ku sugnaa tan iyo dhammaadkii sanaddkii la so dhaafay.

Yaxye oo ku sugan xero Canada ku taala oo lagu soo dhaweeyo qaxootiga, ayaa Xasan Cali Geele qadka taleefoonka ugu warramay.