Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali dabaal ku galay Canada

Labo nin oo Soomaali ah ayaa usbuucii la soo dhaafay waxa ay dalka Canada ku galeen si la yaab leh kaddib markii ay dabaal uga gudbeen webi ku yaala xudduuda mareykanka uu la leeyahay dalka Canada.

Mid ka mid ah labadani nin oo lagu magacaabo Yaxye Jaamac Samatar ayaa BBC-da u sheegay in safarkaasi halista ah uu go'aansaday kaddib markii sharci looga diiday dalka mareykanka oo uu ku sugnaa tan iyo dhammaadkii sanaddkii la so dhaafay.

Yaxye oo ku sugan xero kanada ku taala oo lagu soo dhaweeyo qaxootiga ayaa xasan cali geele qadka taleefoonka ugu waramay