Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Sharciga cusub ee Masar ee argagixisada

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa ansixiyay sharci adag oo looga hortagi argagixisada.

Cid walba oo lagu helo dambi ah inay sameyneysay ama hoggaaminaysay koox argagixiso waxa ay mudan doontaa xukun dil ah ama xabsi daa'in.

Dadka taageersanaa arrimahaasi waxaa iyaguna ay filan karaan in lagu xukumo toban sano oo xarig ah.

Maxkamadaha la saarayo dadka looga shakiyay inay ka tirsan yihiin kooxahaasi degdeg ayaa loo qaadi doonaa.

Weriyeyaasha khilaafa xogta rasmiga ah ee dowladdu ka sheegto weerarada kooxaha xagjirka ah waxaa lagu ganaaxi doonaa ugu yaraan 25 kun oo dollar.

Kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha waxay sheegayaan in sharciga loo isticmaali doono in lagu baabi'iyo, laguna xirxiro mucaaradka, isla markaana uu xadidadyo in dadku si xor ah u hadlaan.

Boqolaal ka tirsanaa ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerarada kooxaha xagjirka ah oo ka dhacay gobolka Sinai.

Kooxda ugu firfircoon ee kacdoonka wada ayaa waxay wacad ku mareen inay daacad u noqon doonaan kooxda la baxday dowladda Islaamiga.

Kooxaha jihaad doonka ah ayaa sii kordhiyay weerarada ay qaadayaan dalka Masar kadib markii awoodda laga riday Madaxweyne Maxamed Morsi muddo hadda laga joogo laba sano.

Waxaa bilowday ugaarsi ba'an oo lagu hayo xubnaha ururka akhwaanu muslimiinka ee Masar.