Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baaritaan lagu sameynayo maydad Somali ah oo Yaman laga helay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Yaman waxay baareysaa waxa sababay geeriga qoyska

Magaalada Sanca ee dalka Yaman waxaa laga helay qoys Somali ah oo ku dhintay gurigooda.

Hooyada iyo aabaha ayaa la helay ayagoo Mayd ah, laba gabdhood oo ay dhalleenna waxaa lagu daaweynayaa Cisbitaal ku yallla Sanca.

Waxaa hadda baaritaan lagu sameynayaa Mayda hooyada iyo Aabaha si loo ogaado waxa sababay dhimashada.

Xeer ilaaliyaha dowladda yaman ayaa waxa uu amray in dhaqaatiir ay baaraan arrintan.

Cusman Axmed Maxamed oo ah qunsulka Soomaaliya ee Sanca ayaa iiga warramay baaritaanka.