Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sidee buu qiima dhaca ku yimid lacagta Rand-ka ee Koonfur Afrika u saameyay Soomaalida?

Qiimaha lacagta Koonfur Afrika ee Rand-ka ayaa hoos u dhacday oo gaartay meeshii ugu hoosaysay markii sarif ahaan loo eego doolarka Mareykanka.

Halkii doolar ayaa waxa uu gaaray 14 rand iyadoo ay jirto walaac laga qabo dhaqaalaha sabaynaya ee dalka Shiinaha.

Hoos udhacan ayaa bilowday kaddib markii si aan la filayn uu Shiinuhu u dhimay qiimaha lacagtiisa, taasi oo horseedday in ay saameyso lacagta Koonfur Afrika maadaama Shiinuhu uu yahay waddanka ugu weyn ee uu ganacsiga kala dhaxeeyo.

Saameynta intaa kuma ekaan ee waxa ay gaartay Soomaalida dalkaa ka xamaalata oo uu ka mid yahay, Cabdullaahi Bucurde, oo saameynta arrintan uga warramay Xasan Cali Geelle.