Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hooyo ku catowday wiilkeyga meel ku sheega

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay waalidiinta ay carruurtoodu maqan yihiin in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka ee dalka.

Mr Kenyatta, waxa uu baaqan ka jeediyay magaalada Mombasa ee gobolka xeebta halkaas oo in badan dhalinyarada maqan ay ka soo jeedaan.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid maalin un kaddib markii gudoomiyaha deegaanka Mombasa Nelson Marwa uu shaaciyay in boqolaal dhalinyara ah oo horay xabsiyada looga sii daayay in ay ku biiraan Xarakada Al-Shabaab.

Dhanka kale waxa uu ugu baaqaday laamaha ammaanka laf ahaantooda ina y kala xaqiijiyaan in carruurtaasi la la'yahay ay ku biireen shabakadaha mintidka ah iyo in kale.

Haddaba Maryan Maxamed waxa ay ka mid tahay waalidiinta ay carruurtooda maqan yihiin.

Maryan waxa ay ku doodaysaa in ciidammada ammaanka ay ka kaxaysteen magaalada Gaarisa wiil ay dhashay oo 27 jir ah oo lagu magacaabo Khadar Maxamed Barre.

Balse ciidammada ammaanka ayaa arrintaa iska fogeeyay.

Haddaba sidee ayey u aragtaa hadalka madaxweynaha? Su'aashaas iyo kuwa kalaba ayaa waxaa Maryan waydiiyay Rage Xasan oo ay khadka taleefanka ugu warrantay.