Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Badhiga buugaagta oo la soo gabogabeeyay

Waxa xalay magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay bandhiga caalamiga ah ee buugaagta kaas oo seddexdii maalmood ee ugu danbeeyay ka socday Muqdisho.

Kudhowaad seddex kun oo buug ayaa halkaasi lagu soo bandhigay, waxaana intii ay hawshaasi socotay la soo bandhigay doodo iyo aqoon isweydaarsi ka hadlayay wax qorista, curinta iyo waliba tababaro ay bixinayeen dad khubaro ah.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa gabagabadii bandhigaasi waraystay madaxa carwada buugaagta ee Muqdisho Maxamad Sheekh Cali Axmed "Diini" wuxuna weydiiyay marka hore bal sida bandhigu ugu soo dhamaaday.