Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali ku nool Austria oo tarhriibka nooga waramay

Ayadoo weli waddamo ka tirsan qaaradda yurub ay la daalaa dhacayaan qaxooti kumanaan ah ee ku soo jabay ayaa tareenno siday boqolaal muhaajiriin ah waxay gaadheen magaalada Munich ee Jarmalka, ayaga oo soo maray dalka Austria.

Booliska Austria waxay sheegeen in tiro ka badan 3,500 oo dadkaas ah in ay tareen ku gaadheen magaalada Vienna isniintii oo kaliya.

Muxiyodiin Musfate oo ku nool Austria oo indhihiisa ku soo arkay soo-galootigaas, ayaa khadka taleefanka ugu waramay wariyaha BBC Xasan Haybe.