Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn ku saabsan muhaajiriinta Yurub

Ayadoo Yurub ay ku wareersan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd muhaajiriinta ku qulqulaya, ayaa waxaa jira dad ku talinaya in xal waara laga gaari karo mushkiladdaasi, waa haddii wax laga qabto dhibaatooyinka keenaya in dadkaasi ay Yurub u tahriibaan.

Muhaajiriinta gaaraya Yurub ayaa waxaa ka mid ah qaar badan oo ka tegay wadamada Bariga Afrika.

Haddaba Dr Ibrahim Faarax Bursaliid, oo bare ka ah jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, ayaa dhawaan maqaal dheer ka qoray dhibaatada tahriibta. Waxa uu u warramay weriyaha BBC Axmed Xaaji Xasan.